Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynah Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Talaado ah Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Darin LaHood oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada Mareykanka, kaasi oo safar shaqo kusoo gaaray dalka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Xildhibaanka ayaa kulankooda ku soo qaaday arrimaha kale ee ganacsiga iyo dhiiragelinta maalgashiga, maadaama ay fursado muhiim ah ka jiraan gudaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Mareykanka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo xaqiijinta jawi amni oo horseeda maalgashi iyo horumar.
Xildhibaan Darin LaHood ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasillinta dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada dal.
Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa muddo dheer ku saleysnaa iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga, la dagaallanka argagixisada, dib u dhiska hay’adaha dowladda, horumarinta dimuqraadiyadda iyo taageerada bani’aadannimo.
Mareykanka ayaa sidoo kale ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, isaga oo si joogto ah u taageerta dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo kuwa rayidka ah, waxaa kale oo uu ka qeyb qaataa mashaariic lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Booqashada Xildhibaan Darin LaHood ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, gaar ahaan Mareykanka.

