Xasan Sheekh oo qeylo dhaan ka keenay warar ay faafiyeen musharaxiinta

0
5

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay Warar been abuur ah oo ay ka faafiyeen Musharaxiinta loolanka doorasho kula jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan wax u arag hadalada laga faafinaayo balse waxa uu tilmaamay in laga fiican yahay in loolanka jira dartii bulshada loo dareensiiyo wararka beenta ah.

Xasan Sheekh waxa uu cadeeyay in been abuurka laga faafiyay uu yahay inuu isticmaalay dhaqaale loogu tallo galay Doorashada iyadoo sababta loo dib dhigaayo Doorashaduna ay tahay isticmaalka dhaqaalaha.

Xasan Sheekh waxa uu Musharaxiinta ugu baaqay inay tixgaliyaan sumcada shaqsiga, waxa uuna tilmaamay in loolanka socda aan leysla soo dhaafin.

Madaxweyne Xasan waxa uu Shacabka ugu baaqay inaysan qaadan warxumo tashiilka looga dhex faa’iideysanaayo Doorashooyinka lagu guda jiro.

Haddalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili Musharaxiinta ay Xildhibaanada iyo Shacabka ku kasbanayaan dacaayadaha ay ka faafinayaan Musharaxiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]